DHEGEYSO:>Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Madaxda Galmudug ugu baaqay in Miiska Wada hadalka Kuxaliyaan Qilaafka Kadhejira

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka hadlay Khilaafka soo gala dhexgalay Madaxda Sare ee maamulka Galmudug.

Wasiirka oo maanta Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya maalmihii lasoo dhaafay ay waday dadaallo lagu xalinaayo Khilaafka.

Waxaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si weyn uga xun tahay Khilaafka soo gala dhex galay Madaxda Galmudug,islamarkaana Galmudug ay u baahan tahay in Madaxdooda ay is xaliyaan.

Wasiirka ayaa sheegay in xilli ay waddeen dhexdhaxaadin in Magaalada Muqdisho ay ka dhoofeen Madaxda Galmudug.

Madaxda Galmudug ayaa kala gaaray Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ee Galmudug.