DHEGEYSO:>Xaflad Lagu maamusayay Aas aaskii Radiogalgaduud Oo Habiinkii xalay ahaa lagu qabtya magaalada Dhuusa-mareeb+SAWIRO

Xaflad si heer sara ah loo soo agaasimay oo lagu maamusay sanad Guuradii 7baad ee ka soo Wareegtay aas aaskii Radiogalgaduu ayaa Habiin kii xalay ahaa lagu qabtay Magaalada Dhuusa-Mareeb ee Caasimad Goboleedka Galmudug.

Intii ay socotay munaasbadu ayaa waxaa kasoo qeyb galay ururada Bulahsda rayadka qeybo Hooda kaladuwan xildhibaano iyo Masuuliyiin Katirsan gudiga doorashooyinka qaranka ee madaxa banaan.

Ugu horeyn waxaa munaasbada daahfuray Gudoomiyaha Magaalada Dhuusa-mareeb ahna Duqa Caasimada Galmudug Macalin Nuur Axmed Cabdulle isagoona hanbalyo iyo bogaadin Udiray shaqaalaha iyo maamulka idaacada.

Dhinaca kale waxaa halkaasi kahadlay Cumar Xasan Cali oo katrisan Wasaarada warfaafinta Dowlada Somaaliya isagoona dhankiisa hanbalyo iyo bogaadin lawadaagay suxufiyiinta iyo idaacda.

Geba gebadii waxaa halkaasi kahadlay agaasimaha Radiogalgaduud Cabdi fitaax Xasan Faarah isagoona kasheekeyay marxaladii kala Duwnaa oo ay idaacadu kusaa shaqeysay.

Hoos kadhegeyso codadka masuuliyiinta