DHEGEYSO:Xildhibaan Zakariye Oo Kahadlay Sababtii Uu Uga Laabtay Mooshinkii Gudoomiye Jawaari

Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka kana mid ahaa Xildhibaanadii mooshinka ka gudbiyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa soo bandhigay sababta uu uga laabtay mooshinkaas.

Xildhibaanka oo ka mid ahaa Xubno ka tirsan Golaha Shacabka oo Maanta ku shiray Xarunta Villa Hargeysa ayaa sheegay in sababta uu mooshinka uu u saxiixay ay aheyd  in uu ka carooday Go’aano ay mudo laba bil ka hor ah ka soo saareen Shirkii Madaxda maamul goboleedyada kaas oo uu u arkay in ay ku xadgudbeen xuquuqda dastuuriga iyo midda Umadda Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay Xildhibaan Zakariye in sababta uu mooshinka uga laabtay ay aheyd kadib markii Golaha Shacabka ay ansixiyeen xeerkii dalka looga mamnuucay Shiradda DP World uu ogaaday in Xukuumaddu ay weerar iyo culeys ay soo saartay Golaha Shacabka,laakin mooshinku uusan aheyn mid ku socda Jawaari sidaasna uu uga laabtay mooshinkii uu saxiixay.

Hadalka Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud ayaa cadeynaya mad madowgii ku jiray mooshinka Jawaari laga keenay in ay ku lug leedahay Xukuumadda,waxana la sugayaa waxyaabaha ka soo baxa ama ay Go’aan ah ay gaaraan Guddiga 25 xubnood ka kooban oo ay Magacaabeen Xildhibaanada taagersan Gudoomiye Jawaari ee manta ku shiray Villa Hargeysa si ay wadaahdal ula sameeyeen Xildhibaanadii mooshinka ka keenay Gudoomiyaha Golaha Sahcabka.

HOOS KADHEGEYSO CODKA XILDHIBANKA