DHEGEYSO:>Xildhibaanada Galmudug Oo Gudoomiye Cali Gacal casir ugu baaqay in uu dib ugu Soolaabto magaalada Dhuuse-mareeb

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa waxaa loogu baaqay in uu kusoo laabto Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa waxa ay sheegeen in la doonaayo in la dardargeliyo Howlaha horyaalla Baarlamaanka Galmudug.

Xildhibaanada ayaa waxa sheegeen in aan la doonin in xilligaan laga dhex abuuro Khilaaf Madaxda Galmudug.

Waxa ay sheegeen xildhibaanada Galmudug in laga doonaayo Gudoomiyaha Baarlamaanka in uusan caqabad ku noqon geedi socodka Nabadda ee Galmudug.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa dhawaan Magaalada Muqdisho ka sheegay in uu kasoo horjeedo qaabka ay u socdaan howlaha dib u heshiisiinta Galmudug iyo Ahlusunna.