DHEGEYSO:>Xildhibaanada Hirshabeelle oo Dowlada Somaaliya Kacodsaday in Ay Kacan kageysato Ammaanka wadada isku xirta Magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho,

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa baqdin ka muujiyay ammaanka wadada isku xirta magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho, kadib weerarkii shalay ka dhacay banaanka degmada Balcad.

Al-shabaab ayaa shalay gelinkii dambe wadada u galay kolonyo galbineysay xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle, waxayna halkaasi ku dfileen xildhibaanada kala ah Ismaaciil Muumin Hilowle iyo Sheekh Daahir Mukhtaar, sidoo kale waxaa weerarkaasi lagu dilay Guddoomiye kuxigeenkii Raage Ceelle Muuse Afweyne.

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa baqdin weyn ka muujinaya in ay ku safraan wadooyinka xiriiriya Jowhar iyo Balcad, iyo sidoo kale Muqdisho iyo Jowhar.

Xildhibaan Maxamed Yuusuf Colow oo ka tiran Mudanayaasha Hirshabeelle ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ka dalbaday in ay door muuqda ka qaataan xasilinta gobolka iyo xaqiijinta ammaanka wadooyinka ay ku safraan masuuliyiinta Hirshabeelle.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ciidan kala duwan geysay wadooyinka qaar ee Shabeellaha Dhexe, balse waxaa socda weerarada Shabaab ay la eeganayaan masuuliyiinta Hirshabeelle.

Hoos kadhegeyso codka Xildhibaan Maxamed Yuusuf Colow