DHEGEYSO:>Xildhibaano katirsan Hirshabeele oo Waare ugu baaqay in uu iscasilo

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa ku baaqay Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare in uu iscasilo.

Xildhibaanada waxa ay sheegeen in Madaxweynaha  uu xilka haayay Muddo hal sano ah, islamarkaana Golaha Wasiiradda Hirshabeelle aysan waxba qaban.

Maxamuud Siyaad Barqadle oo ka mid ah Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa warbaahinta u sheegay in degaanada maamulka Hirshabeelle ay ka jiraan dhibaatooyin badan.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in kulamadii ay yeelan jireen Golaha Wasiiradda Hirshabeelle uu joojiyay Madaxweyne Waare.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale xusay in Madaxweynaha uu maalmihii lasoo dhaafay waday Magacaabis iyo xilka qaadis , uuna hareermaray hanaanka awood qeybsiga Beelaha.