DHEGEYSO:>Xukuumadda Soomaaliya Oo Sheegtay in Ay Bilaabeysa Bixinta Adeega Boostada

Wasiirka boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan ayaa faah faahin ka bixiyey qorsho Wasaaradu wado kaas oo ku aadan sidii loo bilaabi lahaa bixinta adeega Boostada ee dalka.

Wasiir Canshuur ayaa sheegay in Adeega boostada uu noqon doono mid ka kooban dhowr nooc,sida in qofka uu dibada ka soo iibsano karo waxyaabihii uu doono,sida Mobile, Computer iyo dhar intaba,isla markaana adeegaas uu noqoon doono mid la jaan qaada Aduunka intiisa kale.

Waxa uu sheegay in qof walba oo soomaali ah laga doonayo in uu yeesho cinwaan gaar ah oo lagu aqoonsan karo si loo siiyo adeega,isla markaana dhawaan Wasaaraddu ay soo bandhigi doonto ilaa Kun Sanduuq oo Wasaaradda dhexdeeda lagu diyaariyey si Bulshada looga iibiyo.

Si kastaba Soomaaliya ayaa xilliyadii hore waxa ay lahaan jirtay Boosto taas oo dadka isugu gudbin jirtay qoraalo ay isku adegsadaan,sida Salaamaha, Ganacsiga iyo waxyaabo kale,balse ay ku bur bureyn dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka boostada iyo IsgaarsiintaÂ