DHEGYSO:Axmed Madoobe Oo Ka Hadlay Go’aanka Jubbaland Ee Xiisada Ka Taagan Balad Xaawo

Maalmihii la soo dhaafay waxaa magalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ka taagnaa xiisad u dhaxeysa dadka deegaanka iyo Ciidamada Kenya kadib markii Kenya ay iskudayday in ay dib ubilaawdo dhismaha Darbiga ay ka dhiseyso Xadka dhanka Balad Xaawo.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) oo deegaan ahaan ka tirsan Maamulkiisa halka Kenya ay dooneysokenya  in ay darbiga ka dhisto ayaa Markii ugu horeysay wax uu ka hadlay isqabqabsiga ka taagan halkaas.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Xadka  Soomaaliya uusan aheyn waxla qaldi kara maadama labada dowladood ay leeyihiin Xaduud aad u dheer,isla markaana horay halka leyski heysto loo diray Gudi uu hogaaminayay Wasiirkii Arrimaha Gudaha Soomaaliya C/Faarax Siciid Juxa.

Sidoo kale Waxa uu Sheegay Axmad Madoobe in loo Baahan Yahay in ay Kawada Hadlaan labada Madaxweyne sidegana wax looxaliyo.

HOOS KADHEGEYSO CODKA AXMAD MADOOBE