DHGEYSO:Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland oo digniin u dirtay Maleeshiyaad ku dagaalamay Gobolka Sanaag

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Somaliland Maxamed Axmed Kaahin ayaa digniin u diray Maleeshiyaad ku dagalaamayay degaanka Dirir Weyne ee hoostaga degmada Ceel Afweyne ee gobolka Sanaag.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay muhiim in ay tahay in la joojiyo dagaalada mararka qaar dhaca ee saameynta khasaaraha leh u geystay dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

Sidoo kale wuxuu sheegay qofkii mar dambe lagu arko isaga oo dagaal abaabulaya in Ciidamada ammaanka ay soo qaban doonaan, kadibna la horgeyn doono Maxkamada Millitariga.

Ciidamada ammaanka ayuu ku amray in ay soo qabtaan ragga ku kacaya falalka ka baxsan amniga, si looga hortago arrimaha dhalinaya amni darada.

“Qofkii dambe ee maanta lagu qabto nabadgelyo daro, Ciidamada way ogyihiin Maxkamadaha caadiga ah la geyn maayo, ee waxaa loo geyn doonaa Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, waxaa loo aqoonsan doonaa qofkii Qori lagu arko in la ciqaabi doono.” Ayuu yiri Wasiir Kaahin.

Maalmihiii dhowaa degaanka Dirir Weyne ee hoostaga degmada Ceel Afweyne ee gobolka Sanaag waxaa ka dhacayay dagaal beeleedyo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, kuwaasi oo saameeyay dadka degaanka.

Hoos kadhegeyso codksWasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Somaliland Maxamed Axmed Kaahin