Dhimashadda Shaqaalle ka tirsan Wasaaradda Arrimaha gudaha oo la xaqiijiya

Labo ka mid ah Shaqaallaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen Qaraxii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee lala eegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Khasaaraha ugu badan ayaa ka dhashay qaraxii ugu dambeeyay ee ka dhacay Gudaha Wasaaradda.

Dadka dhintay waxaa ka mid ahaa Maxamed Axmed Ilkacase oo ahaa xoghayihii hore ee Wasiirkii arrimaha Gudaha Odawa, kana mid ahaa Shaqaallaha firfircoon ee Wasaaradda.

Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in ay jiraan dhaawacyo soo gaaray Shaqaalle ka tirsan Wasaaradda.