Tirada dhimashada weerarkii ka dhacay xeebta Bondi Beach ayaa gaartay 16 qof, halka 29 kale ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen hay’adaha ammaanka Australia. Weerarkan ayaa dhacay xilli ay socotay munaasabad ballaaran oo lagu xusayay Hanukkah, oo ah maalin ay dadka Yuhuudda ah sanad walba dhammaadkiisa xusaan, islamarkaana ay goobta joogeen in ka badan 1,000 qof. Booliiska ayaa si rasmi ah ugu tilmaamay fal argagixiso oo si gaar ah loola beegsaday bulshada Yuhuudda.
Dhacdadan ayaa si gaar ah u iftiimisay Ahmed al-Ahmed, oo ah 43 jir aabe ah, isla markaana leh dukaan yar oo lagu iibiyo cabitaanno kala duwan. Ahmed ayaa muuqaal si weyn ugu faafay baraha bulshada lagu arkay isagoo si geesinimo leh uga hortagaya mid ka mid ah dableyda, kana qaatay si xoog leh qorigii uu watay, taasoo keentay in dad badan ay badbaadaan.
Booliisku waxay xaqiijiyeen in labada nin ee fuliyey weerarkan ay ahaayeen aabe iyo wiilkiis, kuwaasoo da’doodu kala tahay 50 iyo 24 sano. Sidoo kale, booliisku waxay sheegeen in ninka 50 jirka ah lagu toogtay goobta, halka kan kale uu ku dhaawacmay, lana dhigay isbitaal si loogu dabiibo.
Ahmed al-Ahmed ayaa isna ku dhaawacmay weerarka, wuxuuna haatan ku jiraa isbitaal. Dhanka kale, madaxda Australia, oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi, iyo sidoo kale hoggaamiyeyaal caalami ah, ayaa si weyn u bogaadiyey ficilkiisa, iyagoo ku tilmaamay geesi dhab ah oo naf-hur leh.
Ra’iisul Wasaaraha Australia ayaa yiri: “Waxaan maanta aragnay muwaadiniin Australian ah oo u bareeraya khatar si ay u badbaadiyaan dad kale. Kuwani waa geesiyaal, geesinimadooduna waxay badbaadisay nafaf badan, waana bogaadinayaa.”
Sida ay sheegeen saraakiisha booliiska dalkaasi iyo qoyska Ahmed al-Ahmed, haatan waxa lagu daweynayaa isbitaal, iyadoo xaaladdiisu tahay mid degan.

