Dhismo cusub oo lagu wareejiyay Wasaaradda Maaliyadda

Wasaaradda maaliyada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta la wareegtay dhismahaan cusub oo ay wasaaradda leedahay kaas oo ay muddo dhisaysay dowladda Sweden.9

Munaasabada wareejinta dhismahaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa raiisul wasaare ku xigeenka xukuumada Soomaaliya,safiirka Sweden ee Soomaaliya iyo xubno ka socday qaramada midoobey.

Wasiirka wasaarada maaliyada xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa sheegay In dhismahaan uu ka caawinayo shaqaalaha wasaarada in ay helaan goobo hor leh oo ay ku shaqeeyaan waxa uuna intaa ku  daray in dowladda Sweden ay u dhiseyso dhismo kale oo cusub oo ku dhagan kan maanta lagu wareejiayay wasaaradda.

Raiisul wasaare ku xigeenka xukuumada Soomaliya Mahdi Mohamed Guuled Khadar ayaa waxa uu sheegay in dhismahan labaad uu wasaarada u ka caawin doono in uu ka yaraado Culeyska wasaarada ka saarnaa xafiisyadii ku yaraa.

Waxa uu intaa ku daray in dowladda Sweden ay dowladda Soomaaliya ay gacan ka siiso qorshaha amniga qaran oo ay wado dowladda.