Dhul gariir ka dhacay Dalka Turkiga

39 Qof ayaa ku dhaawacantay Dhul gariir cabbirkiisu ahaa 5.1 magnitude (qiyaasta dhul gariirrada) oo ka dhacay Dalka Turkiga.

Dhul gariirkan oo ka dhacay Degmada Samsat, Gobolka Adiyaman ee dhacda Koofur Bari Waddanka Turkiga ayaa ku dhuftay halkaasi Saacaddu markay ahayd 3.34 a.m, xilliga Dalkaasi, isagoo ruxay masaafo gaaraysa 7 KM ( 4 Mile ), sida laga soo xigtay hay’adda Maareynta Musiibooyinka iyo Gurmadka deg-degga ah ee Turkiga oo loo yaqaan AFAD .

Wasiirka Caafimaadka Dalka Turkiga , Ahmet Demircan ayaa sheegay in guud ahaan 39 qof ay ku dhaawacmeen dhulgariirka, wuxuuna intaa raaciyay in 4 Qof oo kaliya haatan laga saaray, halka 35- ka kalana weli la baxnaaninayo xaaladdooda Caafimaad.