Hay’adda OMRA oo kaashaneysa howgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya – UNSOM iyo Hay’adda UNICEF Somalia ayaa soo agaasintay Tababar socday muddo 3 maalin ah oo lagu baranayay warbaahinta iyo sameynta sheekooyinka dhijitaalka ah iyadoo diiradda la saarayo soo tebinta tacadiyadda ka dhanka ah dadka la heybsooco, haweenka, naafada iyo caruurta. Ujeedada tababarka ayaa ah in lagu siiyo kasoo qeybgalayaasha xirafadaha muhiimka ah ee sheeko sameynta Dhijitaalka ah si ay cod ugu noqdaan dadka iyo la heyb sooco iyo kuwa la faquuqo.
Tababarka waxaa kasoo qeyb galay 25 qof oo ka kala socday ururada bulshada rayidka ah, xubno ka socday dadka laga tirada badanyahay ama la heybsooco iyo ururka haweenka caasimada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.
Inta lagu guda jiray tababarka kasoo qeyb galayaasha ayaa la baray muhiimada ay leedahay sheeko sameynta Dhijitaalka ah, aaladaha la isticmaalo iyo anshaxa looga baahanyahay qofka sheekada sameynaya si gaar ah sheekooyinka la xiriira tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda Aadanahaha. Kasoo qeyb galayaasha ayaa sameeyay sheekooyin kala duwan kadibna soo bandhigay iyagoo caawin ka helaya tababaraha. Waxaa la wadaagay qibrado iyo aragtiyo kala duwan oo la xiriirta sheeka sameynta Dhijitaalka sidoo kale waxay baraatikeeyeen aalado kala duwan oo muuqaalada lagu sameeyo taasoo ka saacidi karta in ay kasoo qeyb galayaashu soo bandhigaan sheeooyin maqal iyo muuqaal ah.
Ugu danbeyn kasoo qeyb galayaasha ayaa uga mahadceliyay Hay’adda OMRA qabanqaabinta tababar nuucaan oo kale sidoo kale waxay u mahadceliyeen hay’adaha kale sida UNSOM iyo UNICEF ee taageeray mashruucaan. Waxayna ugu baaqeen in la sii kordhiyo tababarada nuucaan oo kale ah si kor loogu qaado tayada iyo aqoonta dadka laga tirada badanyahay iyo kuwa la heybsooco iyo ururada bulshada rayidka ah taasoo oo horseedi karta in ilaaliyo xuquuqda Aadanaha Deegaanada Galmudug.