Dib U Dhac Ku Yimid Shirka Amniga Qaranka Oo Maanta Furmi Lahaa

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa lagu balan sanaa in Maanta oo ah 28 Bisha Maarso uu ka furmo shirka Golaha Amniga Qaranka,balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in shirkaasi uu baaqday.

In kastoo aan sidhab ah loo ogeyn sababta ka dambeya baaqashaa shirkaas ayaa hadana masuuliyiin ka tirsan  Maamulka Koonfur waxa ay xaqiijiyeen in shirkaasi uu baaqday.

Shirka Golaha Amniga Qaranka ayaa warar kale oo soo baxaya waxa ay sheegayan in uu u baaqday sababo la xiriira khilaafka hareeyay Golaha Sharci dejinta iyo kan fulinta ee dowladda kaas oo sidoo kale sababay in ay hakadaan Shaqooyin badan oo dowladda ah.

Weli Go’aan kale oo rasmi ah lagama soo saarin waqtiga kale e uu shirkaasi qabsoomi doono,iyada oo uu Maanta baaqday,waxaana sidoo kale jirtay in Gudoomiyaha Gudiga doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil( Xaliimo Yareey) in maanta ay aheyd in ay gudbiso nooca doorasho ee 2020-ka ka dhaceysa Soomaaliya.

Sikastaba waxaa iminka la sugayaa in waqti kale lagu balamo in shirkaasi uu furmo maadaama uu yahay mid muhiim u ah Amniga dalka,isla markana ay ka qeybgeli lahaayeen Madax ka socota dowladda iyo kuwa Maamul goboleedyada.