Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ayaa sheegaya in shirkii madaxda maamul goboleedyada in uu dib ka yimid kaasoo lagu waday inuu maanta uga furmo madaxda maamul goboleedyada.
Ilo ku dhow dhow shirka ayaa sheegaya in wakiilka Qaramada Midoobey uu ka codsaday madaxda maamul goboleedyada inay dib u dhigaan shirka isla markaana laga wadahadlo sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhex jira maamul goboleedyada dalka iyo dowlada federalka ah.
Si rasmi ah looma oga xilliga uu bilaabanayo shirka balse warar ayaa sheegaya in madaxda maamul goboleedyada ay aqbaleen in illaa beri shirka dib loo dhigo.
Madaxda maamulada Puntland,Galmudug,Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa lagu waddaa in ay maanta gaaraan Magaalada Garowe.