Dib udhac ku yimid Furitaanka Kal-fadhiga 7aad ee labada Aqal

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa siwadajir ah waxaa ay u shaaciyeen in dib loo dhigay furitaanka kal-fadhiga 7aad ee Baarlamaanka labada Aqal.

Qoraal Wadajir ah oo ay soo saareen labada Guddoomiye ayaa waxaa ay ku sheegeen in si loo ilaaliyo badqabka Xildhibaanada, senatarada, Guddoonka Labada Gole iyo Shaqaalaha Baarlamaanka ay dib u dhigeen furitaanka kal-fadhiga 7aad,isla markaana xilliga kale ee la furi karo ay dib kasoo shaacin doonaan.

Maanta oo ku beegan 20 Bisha April ayaa qorshuhu ahaa in uu furmo kal-fadhiga 7aad ee Baarlamaanka labada Aqal,hayeeshee dib loo dhigay sababo la xiriira Cudurka Coronavirus,iyada oo sidoo kale guddoomiyeyaasha labada Aqal ay ku xayiran yihiin dalka Turkiga maadaama duulimaadyadii la joojiyey.