Dib udhac kuyimid heshiskii Ay horay ugaareen Dowlada iyo Maamul goboleedyada

Maanta ayaa lagu waday in dowlad goboleedyada dalka ay ka bilaabato doorashada Aqalka Sare ee dowladda Soomaaliya sida ku cad jadwalkii doorashada dadbadan ee ay wada gaareen maamulada iyo dowladda dhexe.

Waxaa guud ahaan fashilmay qorshihii loogu tala galay in maanta ay dalka uga bilaabato doorashada Aqalka Sare oo xildhibanada maamulada ay doortaan Senatorkii ugu horeeyay ee baarlamaanka labaad.

Doorashada Aqalka Sare waxaa loo qorsheeyay Kowda ilaa 10-ka bishaan, waxaana muuqata in aysan muuqaan saan saan doorasho, maadaama maamulada qaarkood aysan soo magacaabin guddiyadii doorashada halka midka dowladda dhexena lagu muransan yahay.

Maamulada Jubbaland iyo Puntland wali lagama haayo xubnihii qaban lahaa doorashada ee heer maamul, waxaana muuqata in wali ay taagan yihiin ismaandhaafka doorashada iyo in uu meesha ka baxo jadwalkii lagu heshiiyay.