Dib udhac kuyimid magacaabista golaha wasiirada Galmudug

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa Saacaddihii lasoo dhaafay ka waday Magaalada Dhuusamareeb kulamo kala duwan oo looga hadlaayo Magacaabista Golaha Wasiiradda Galmudug.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa xaqiijiyay in inta badan la qoray Liiska Golaha Wasiiradda Galmudug, islamarkaana lagu dhawaaqi doono Marka Madaxweyne Xaaf kasoo laabto Magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Xaaf ayaa dhawaan gaaray Gaalkacyo, waxaana uu halkaasi kulamo looga hadlaayo Wasiiradda Galmudug uu kula qaatay Waxgaradka gobolka Mudug.

Wasiiradda cusub ayaa waxaa kasoo dhex muuqan doona xubno ka tirsanaa maamulkii Ahlusunna ee la raacay maamulka Galmudug.

Kulamaddan ayaa kusoo beegmaya xilli wali uu taagan yahay Khilaafka Madaxda Sare ee maamulka Galmudug.