Dibad-bax lagu taageerayo Dhammaystirka Dastuurka Dalka oo Muqdisho ka dhacay.

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Taalada Daljirka Daahsoon waxaa maanta ka dhacay bannaanbax lagu taageerayo dhammaystirka Dastuurka Kumeel-gaarka ah oo cutubyada 1aad ilaa 4aad maray Baarlamaanka Federaalka.

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Banaadir, Wasiirro katirsan Xukuumadda Federaalka, Xildhibaanno, Senatarro iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qaybgashay isusoobaxaan iyaga oo garab istaag u muujiyay dhammaystirka Dastuurka.

Waxa ay dalbadeen in la helo maqaamka (Metaaladda Siyaasadeed) ee Gobolka Banaadir maadaama ay ku nool yihiin dhowr milyan oo ruux oo indhaha ku haya xuquuqda gaarka ah ay ku helayaan qabyo-tirka Dastuurka KMG ah ee Dalka.

Xubnihii madasha ka hadlay waxa ay soo jeediyeen in la garab istaago tallaabada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u qaadday in la dhammaystiro Dastuurka oo cutubyo 1aad, 2aad, 3aad iyo 4aad la furo si loogu sii gudbo cutubyada kale ee harsan.