Dibadbax ka dhacay dhuusmareeb

Gudaha Magaalada Dhusamareeb Waxaa kasocda Bananbax Xoogaan oo ay dhigayaan Dhalinyarada Ku Shaqaysata Mooto Bajajta.

Dibad-baxaan ayaa La Xariira Dil Wiil Dhalinyaraa oo kamid ahaa Wadayaasha Mooto Bajajta Luugu gaystay Magaalada Dhusamareeb.

Inkastoo Laamaha Amniga la Sheegay inay Gacanta ku dhigeen Askarigii Dilka Gaystay oo Kamid ahaa Ilaalada Madaxtooyada Galmudug Hadana Saaka Banaanbax Oo ay Cadaalad Ugu Dalbayaan Saaxiibkoodii Ay Shaqo Wadaagta Ahaayeen Ayay wadaan Dhalinyarada Mootaalayda ah.