Dibadbax Looga Soo Horjeeedo Hishiiska Itoobiya iyo Somaliland Oo Kasocda Muqdisho…

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacaya dibadbax ka dhan ah xadgudubka Dowladda Itoobiya ay ku samaysay Madaxbannaanida dhuleed & midnimada Daleed si Shacabka Caasimadda ay u xoojiyaan go’aamada adag ee Madaxda Dalka ugu sarraysa ka qaadatay xadgudubkaas.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa fariin uu u diray Shacabka Caasimadda ugu baaqay in ay kasoo qaybgalaan dibadbaxa ka dhanka ah tallaabada Xukuumadda Itoobiya ay qaadday.

Duqa Muqdisho ayaa Shacabka Caasimadda ku sugan ugu baaqay in ay kasoo qaybgalaan dibadbaxaan si dareenkooda ay ugu muujinayaan diidmada go’aanka heshiiska Itoobiya ay sheegtay in ay la gashay Maamulka Somaliland.

“Kama tanaasuleyno taako kamid ah Dhulkeena iyo Baddeena” Sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo fariin u diray Shacabka Caasimadda.