Magaalada Chicago ee Dalka Maraykanka waxaa ka dhacay isku dhac ka dhashay Dibadbax ay dhigeen Dad ka caraysan dhibaatooyinka ay Israa’iil ka geysaneyso Dhulka Falastiin iyo Taageerrada ay siineyso Washington.
Dadka dibadbaxa dhigayay ayaa soo xirtay Calanka Falastiin, waxa ay ku hor bannaanbaxeen meel udhow halka uu ka socda shirweynaha Xisbiga Talada Maraykanka haya ee Dimuqraadiga oo ka tashanaya Mustaqbalkooda Doorashada.
Wakaaladda Wararka AP ayaa kusoo warrantay in ciidamada Booliisku adeegsaday awoodda dheeraadka ah sida Budad, Sunta ilinta ka keenta iyo Muraadayaha la isaga dhigo walxaha ay tuuri karaan dadka bannaanbaxaya.
Maraykanka waxa ay ciidamada Booliisku la dagaalamayaan kahortagga dibadbaxyada ka dhanka ah Israa’iil isla markaana lagu taageerayo Falastiin kuwaas oo xitaa Dadka dhigaya ay yihiin muwaadiniin u dhashay Dalkaas.