Dibadbaxayaasha kasoo horjeeda Xukuumadda Netanyahu oo qabsaday.

Dibadbaxayaasha u badan dadka ehelkooda ay haysato Xamaas tan iyo 7dii Oktoobar sanadkii hore 2023 ayaa kordhiyay dibadbaxyadooda ka dhanka ah Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu si ay ugu qasbaan in uu wadahadal galo.

Dibadbaxyada ayaa kusii siqiya waddooyinka iyo goobaha muhiimka ah sida xafiisyada ay ku shaqeeyaan xubnaha sare ee Xukuumadda Netanyahu si ay u joojiyaan howlaha shaqo ay wadaan sida ay sheegeen qaar kamid ah dadka dibadbaxya.

Waddooyinka waa wayn ee Magaalada Tel Aviv ayay jareen iyaga oo iska caabbin xooggan kala hortagay ciidamo booliis ah oo damacsanaa in ay kahor istaagaan saldhigashada marinnada muhiimka ah balse waa ay ku guuldaraysteen.

Ehelka dadka la haysto ayaa Xukuumadda Netanyahu ku eedeeyay in aanay awood u lahayn in ay soo furato Maxaabiista waqtiga dheer Xamaas gacantooda ku jira maadaama 6 bil uu galay dagaalka tooska ah isla markaana aanay natiijo hayn.

Dibadbaxayaasha ayaa qalqal geliyay madaxa ugu sarreeya sirdoonka Israaiil iyo wasiiro katirsan Xukuumadda Benjamin Netanyahu kaddib markii dhagaxaan kala hortageen, inkasta oo ay is furdaamiyeen haddana waxa ay ka go’een waddooyinka cabsida ay ka muujinayaan.

Israaiil ayaa jab wayn ku gaaray dagaalka dhulka ah ee ka socda Magaalada Gaza, xaafadaha qaar ayay isaga baxeen, saraakiil muhiim ah ayaa laga dilay, waxa ay gaysteen xasuuq ka dhan ah Dadka rayidka ah iyada oo aanay weli gaarin hadafkii ay ku sheegeen in ay u duuleen.