Dibadbaxyo rabshado wata oo wali ka socda Basra

Magaalaada Basra ee dalka Ciraaq ayaa waxaa ka sii socda dibadbaxyo rabshada wata oo ay dadka kaga soo horjeedaan dowladda.

Ayatollah Ali Sistani, oo ka mid hogaamiyayaasha Shiicada ee dalka Ciraaq ayaa rabshadahaani ku eedeeyay dowladda.

Waxa uu ku baaqay in maamul cusub la dhiso kaasi oo ka duwan maamuladii horey dalkaasi uga arrimin jiray.

Siyaasiyiinta Ciraaq aya la daalaa dhacaya sidii ay u soo dhisi lahaayeen dowlad shaqaysa ka dib markii doorashdii dalkaasi ka dhacday uu xisbana ku soo bixi waayay aqlabiyada.

Dhismooyiin dheeraad ah ayay weerar ku qaadeen dibadbaxayaasha, waxaana ka mid ah goobaha la weeraray qunsuliyadda Iiraan oo dab la qabadsiiyay.

Mid ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa toogasho lagu dilay.

Xukuumadda Ciraaq ayaa bandow ku soo rogtay magaalada Basra, islamarkana ciddii waddooyiinka lagu arko 9 habeenimo ka dib waxa ay wajahaysaa Xarig.