Dibadbixii ugu ballaarnaa oo ka socda Muqdisho iyo waddooyinka oo xiran…

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa maanta ka socda dibadbax weyn oo looga soo horjeedo damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya, kadib heshiiskii ay wada galeen maamulka Somaliland iyo Itoobiya.

Banaanbaxa oo ay ka qayb-galayaan kumanaan shacab ah iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa haatan ka bilowday isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Dibad-baxayaasha ayaa ku qaylinaya erayo ka dhan ah Itoobiya oo ku kacday xadgudub ka dhan ah madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Goobaha waxbarashada iyo ganacsiyada ayaa sidoo kale la xiray, kadib markii ay amartay dowladda Soomaaliya oo iyadu soo qaban-qaabisay dibadbaxaan.

“Waxaan rabaa inaan soo dhaweeyo shacabka magaalada Muqdisho oo ku dhowaaqay banaanbax maalinka Khamiista ah in la’isugu soo baxo dhammaan jidadka waa weyn shaqooyinka la joojiyo, ganacsiga la xiro, la’iskuna soo baxo” ayuu wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo shalay ka hadlay dibad-baxa haatan ka socda caasimada.

Soomaaliya ayaa si weyn uga carootay heshiiska Muuse Biixi Cabdi iyo Abiy Axmed, kaas oo Itoobiya loogu saxiixay 20 KM oo kamid ah badda Soomaaliyeed.