Diego Simeone Oo Sheegay In Aanu Jirin Qorshe Lagu Joojin Karo Lionel Messi, Muxuuse Ka Yidhi Xaalada Fiican Ee Griezmann Iyo Koobka La Liga?

Tababaraha kooxda Atletico Madrid ee Diego Simeone ayaa qirtay in aanu jirin qorshe gaar ah oo lagu joojin karo Lionel Messi balse waxa uu ku dooday in ka koox ahaan ay doonayaan in ay natiijo fiican ka soo gaadhaan kulanka Camp Nou ee ay Barcelona habeen danbe la ciyaari doonaan. Simeone ayaa sidoo kale ku dooday in marka uu Griezmann xaalad fiican ku jiro la barbar dhigi karo Messi.

Diego Simeone ayaa ku dooday in kooxdiisu ay suurtogal ka dhigay in tartanka koobka La Liga uu noqdo mid dib u furmay halka uu tilmaamay in markii hore aanu ahayn wax macquul ah markii ay Barcelona 11 ka dhibcood ka hooseeyeen balse macalinka ree Argentina ayaa tilmaamay in xataa haddii ay guul ka gaadhaan Barca ay wali u hadhsan yihiin kulamada Villarreal iyo Real Madrid oo saamayn wayn yeelan kara.

 

Diego Simeone oo ka hadlaya in wali ay kooxdiisa kulamo adagi u hadhsan yihiin ayaa yidhi: “Waxaa waajib nagu ah in aanu u tagno Villarreal iyo Real Madrid. Waxaa hadhsan 12 kulan, dhamaantayo waxbaanu u tartamaynaa. Dhibcuhu waa muhiim sababtoo ah waxay anaga na siinayaan wax ka fiican si aanu u awoodno in aanu la tacaalno waxa noo hadhsan’.

Lionel Messi iyo Antoine Griezmann ayaa xaalado aad u fiican ku jira waxaana macalinka Atletico Madrid ee Simeone wax laga waydiiyay xaalada labadan xidig wuxuuna yidhi: “In aad haysato ciyaartoy la mid ah Lionel, ma jiraan qorshayaaal. Adigu ma maamuli kartid isaga, aad ayuu dabiici u yahay. Waxaan markasta sheegaa in aanu ciyaarta u qaadno halka aanu doonayno in aan tagno”.

” Griezmann waxa uu ku jiraa waqti fiican, anigu kama fikirayo xaaladan (inuu Barca ku biiri doono). Sidii aan markasta sheegayay, Antoine waa mid aan caadi ahayn, marka uu xaaladiisa ugu fiican ku jiro, waxa uu u qalmaa in la barbar dhigo Messi”. ayuu Simeone hadalkiisa sii raaciyay.

Dhinaca kale Simeone ayaa Valverde ku amaanay qaabkii uu u xaliyay bixitaankii Neymar Jr iyo in ayna wax guuldaro ahi wali soo gaadhin wuxuuna yidhi: “Valverde waxa uu xaliyay bixitaankii Neymar, waxa uu badalay hanaankii guulaysatay ee sanadaha badan soo shaqaynayay, waxa uu qof kastaba baray in Barcelona ay ku ciyaari karto 4-4-2, isla markaana isagu guuldaro la’aan ayuu horyaalka kaga jiraa”.

Diego Simeone ayaan waligii wax guul ah Barcelona kaga gaadhin horyaalka La Liga wuxuuna markale isku dayi doonaa rekoodhka uu ka soo gaadhi kari waayay dhamaan tababarayaashii hore ee ah in uu markii ugu horaysay waayihiisa tababaranimo uu Barca kulan La Liga ah ku garaaco.