Diiwaangelinta Musharrixiinta kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo socota Baydhabo

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ka bilaabay diiwaangelinta musharrixiinta lixda kursi ee doorashadooda la qabanayo.

Guddiga ayaa wada diiwaangelinta Musharrixiinta, kuwaas oo Maalinta berito ah ku tartami doona doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee ka dhaceysa Magaalada Baydhabo, waxaana kamid ah musharrixiinta la diiwaangeliyay.

1: Axmed Nuur Sheekh Maxamed Lohos iyo Maxamed Ibraahim Aadan oo u tartamaya Kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-050, iyada oo kursigaan uu horay ugu fadhiyay Wasiirka shaqada & Arrimaha Bulshada Soomaaliya Cabduwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif.

2: Musharrax Xildhibaan Cabdisitaar Cali Xasan oo u tartamaya Kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-275, waxaana kursigaan horay ugu fadhiyay Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed Xasan.

3: Musharrax Xildhibaan Muqtaar Maxamed Guuleed &  Xuseen Cali Aadan ayaa loo diiwaangeliyay u tartamida Kursiga Hop#183  oo uu horay ugu fadhiyay Sandheere Maxamed Iftin.

4: Guddiga ayaa sidoo kale u diiwaangeliya Kursiga Hop#230  musharrixiinta kala ah Cabdi Cali Cumar iyo Jaamac Taqal Cabaas, waxaana kursigaan dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Pro, Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim (IBBI).

5: Kursiga 5aad ee Hop#253 ayaa waxaa loo diiwaangeliyay Aadan Maxamed Cali iyo Cabduqaadir Ibraahim Bulle, waxana kursigaan horay ugu fadhisay Samra Ibraahim Cumar.

Diiwaangelinta mushariixiinta lixda kursi oo ay ku tartami doonana 12 Musharrax ayaa weli ka socota Magaalada Baydhabo, waxaana Maalinta berito ah qabsoomaya doorashada lixda kursi.