Dil ka dhacay Caawa Degmada Laas-caano ee Gobolka Sool.

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxaya Dabley hubeysan ayaa caawa bartamaha magaalada laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool kudilay mid kamid ah waxgaradka Magaaladaas kana mid ahaa kuwa ugu caansan.

Ninka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Cabdifitaax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi Sangub) ayaa xilliga la dilayey kasoo ayuu baxay Masjid uu ku Tukanayey Salaadii Cisha sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeendad Dad ka agdhawaa goobta falka uu ka dhacay.

Ciidamo katirsan kuwa Booliska Somaliland oo gacanta ku haaya Maamulka Degmada laasCaano ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay,balse kuma guuleysan inaysoo  qabtaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Qaar kamid ah ehellada Ninka la dilay ayaa sidoo kale tegay goobta, iyaga oo meesha ka qaaday meydka Hadraawi Sangub, waxaana ay dalbadeen in gacanta lagu soo dhigo dadkii ka dambeeyay dilka.