Nin hubeysan ayaa xalay fiidkii waxa uu Nin kale ku dilay degmada Galodob oo ka tirsan gobolka Mudug ee Dowlad goboleedka Puntland, Iyada oo ninkii dilkaasi ka d ambeeyey la sheegay in gacanta lagu dhigay.
Ninka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Caddaawe Cali Aadan,waxaana uu ka tirsanaa Bahda Ciyaaraha degmada Galodob,waxaa uu u geeriyooday dhaawac markii hore kasoo gaaray rasaas lagu furay.
Booliiska degmada Galdogob ee Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegeen inay gacanta ku hayaan Ninkii ka dambeeyey dilkaas,isla markaana baaritaano ku hayaan,sidoo kalena cadaaladda la horgeyn doono.
Dadka ku nool degmada Galdogob ee Gobolka Mudug ayaa aad uga naxay dilka loo geystay Ninka ka tirsanaa Bahda Ciyaaraha Kubadda Cagta degmadaas,wallow Ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen ninkii ka dambeeyey dilkaas.