Dil kadhacay Koofur Afrika

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa Gudaha dalkaasi waxaa ay dil iyo dhaawac ugu geysteen laba Ruux oo Soomaali ah kana mid ahaa Ganacsatada waaweyn ee ku nool dalkaasi.

Kooxda Burcada aha ayaa Goobtiisa Ganacsi oo ku taalla magaalada East london 33 Gobolka Eastern Cape ku weeraray Muwaadin soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Daahir Carte oo kamid ahaa Ganacsatada Soomaalida ee ugu caansan dalkaas,iyaga oo dhowr xabdood ku dhuftay.

Mid kamid ah Soomaalida ku nool dalkaas ayaa sheegay in Daahir Carte uu isla goobta ku geeriyooday,isla markaana ay baxsadeen raggii dilka u geystay,waxaana howlgallo baaritaano ah ka sameeyay halka dilka uu ka dhacay Ciidamada Booliska Koonfur Afrika.

Dhinaca kale Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa deegaanka Devitown ee Magaalada Johannesburg ee dalkaasi Koonfur Afrika waxaa ay ku dhaawaceen Muwaadin Soomalaiyeed oo lagu Magacaabi jiray Cumar Axmed Dhiblaawe.

Ragga falkaasi dhaawaca ah geystay ayaa goobta ka baxsaday,waxaana muwaadinka Soomalaiyeed gurmad u sameeyay Soomaalida ku nool, iyaga oo geeyay mid kamid ah Isbitaallada Magaalada Johannesburg si loo daweeyo.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa inta badan dil, dhaawac iyo in la boobo hantidooda loogu geystaa Soomaalida ku nool dalkaasi,waxaana ilaa iyo hadda jirin dad wax ka qabta arrintaas.