Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Horseed ee degmada Waabari ayaa waxa ay sheegayaan in Koox hubeysan ay halkaasi saakay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka dowladda Soomaaliya.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ninka la dilay lagu Magacaabi jiray Cabdi Maxamed Culusow.
Koox dhalinyaro ah ayaa toogtay , kadibna waxaa la sheegay in ay ka baxsadeen goobta ay dilka ka geysteen.
Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka waddaan howlgallo.