Dil Kadhacay Muqdisho

Sidda ay warbaahinta u xaqiijiyeen goobjoogayaal Kooxo hubeysan ayaa Maanta  Suuqa Kaawo Kodey ee degmada Wadajir ku dilay ruux ka mid ahaa dadkii ku sugnaa Suuqa.

Ninka la dilay ayaa la sheegay in uu ka mid ah dadka qaabilsan rarida Baabuurta ee ka howlgalla,halkaasi, waxaana uu ahaa wiil dhalinyaro ah.

Koox Bastoolado wadatay ayaa toogtay Ruux dhalinyaro ah ka dibna waxaa la sheegay in ay baxsadeen.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana la sheegay in ay halkaasi ka bilaabeen howlgallo.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay, waxaa kusoo batay dilalka Qorsheysan.