Dil Kadhacay Muqdisho

 

Kooxo hubeysan ayaa waxa ay agagaarka Afar-irdoodka degmada Xamarweyne ee Gobolkan Banaadir ku dileen Nin Oday ah oo la sheegay in uu ahaa Ganacsade.

Dad ku sugan Suuqa degmada Xamarweyne ayaa waxaa ay warbaahinta u sheegeen in Ninka Odayga ah lagu dilay Gaari uu ku iibinayay Dharka loo yaqaano Huudheyda  Agagaarka Afar-irdoodka Xamarweyne.

Dadkii ka dambeeyey dilka Ninka Odayga ah ayaa goobta ka baxsaday,waxaana weli la ogeyn waxa uu ahaa Ninkaas marka laga soo tago in uu ka Ganacsado dharka huudheyda iyo dadka ka dambeeyey dilkiisa.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska degmada Xamarweyne ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay,kuwaas oo sameeyey baaritaano aan wax natiijo ah kasoo bixin.