Dil kadhacay Muqdisho

Sidda ay xaqiijiyeen dadka degmada Wartanabadda Kooxo hubeysan ayaa goor dhow halkaasi ku dilay wiil dhalinyaro ah oo la sheegay in uu ka mid ahaa dadka degaanka.

Dilka ayaa ka dhacay Agagaarka Masjidka Cabdalla iyo Cawareere waxaana dilkiisa loo adeegsaday Bistoolad.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ruuxa la dilay uu ka mid ahaa shaqaallaha degmada Warta Nabadda.

Kooxdii dilka gaysatay ayaa ka baxsatay goobtaasi, waxaana wararka ay sheegayaan in waqti dambe goobta ay gaareen ciidamada ammaanka oo halkaasi ka qaaday maydka ruuxii la dilay.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa faraha ka baxay, waxaana maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay dilal loo geystay dad kala duwan.