Dil Loo Gaystay Wiil Dhalinyaraa Oo ka Dhacay Muqdisho.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil argagax leh oo xalay wiil dhalinyaro ah loogu gaystay duleedka Muqdisho, kaas oo mindi loo adeegsaday.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Saciid Cabdulle Maxamed ayaa waxaa weerar kusoo qaaday nin ku hubeysan mindi, kaas oo ku dilay deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga la dilayay marxuumka uu ka yimid GYM, waxaana mindida ay uga dhacday dhanka wadnaha, taas oo keentay in isla goobta uu ku geeriyooday.

Mid kamid ah asaxaabta wiilka dhalinyarada ah ee geeriyooday ayaa ayaa sheegay in Saciid Cabdulle Maxamed la dilay isaga oo aan waxba galabsan, uuna ka tacsiyeynayo dilkiisa.

Dhanka kale waxaa lagu soo warramayaa in haatan baaris ku hayaan kiiskan ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo bilaabay howlgal lagu baadi goobayo eedeysanaha.

Dilka loo haystay Marxuum Saciid ayaa argagax ku noqday dadka deegaanka, gaar ahaan ehelladiisa, waxaana sidoo kale aad looga hadal hayaa baraha bulshada ee Internet-ka.