Dil Xalay Kadhacay Magaalada Muqdisho

Koox Hubeysan ayaa Xalay qof shacab ahaa waxaa ay ku dileen Xaafada Towfiiq Degmada Yaaqshiid ee Gobalka Banaadir.

Marxuumka la dilay ayaa waxaaa lagu magacaabi jiray Cabdi rashiid Sheikh Iidle,waxaa uuna ahaa Bare wax ka dhigi jiray mid ka mid ah Jaamacadaha ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Labo dhalin yaro oo ku hubeysan Bistoolad ayaa marxuumka ku dilay xili uu agteegnaa gaarigiisa, iyadoona kooxda dilka geysan ay goobta ka baxsadeen.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ka mid tahay meelaha inta lagu dilo dadka rayidka ah iyo askarta ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya.