Dil Xalay Kadhacay Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa xalay fiidkii waxaa Xaafada suuqa Arjantiin ee degmada Kaaraan gobolkan Banaadir ku dileen Wiil Dhalinyaro ahaa oo la sheegay in uu ka mid ahaa dadka ku nool Xaafadaasi.

Ninka la dilay ayaa Goobjoogayaal waxaa ay sheegeen in lagu Magacaabi jiray Cadaawe Cabdulle Fareey,isla markaana rag ku hubeysan bustoolado ay dileen, kadibna ay goobta ka baxsadeen.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in Ninka la dilay uu ka mid ahaa Ciidamada Nabad-sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya,waxaana Goobta lagu dilay tegay oo ka qaaday meydkiisa Eheladiisa iyo Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya.

Dilka kadib ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in Ciidamada Dowladda ay halkaasi ka sameeyeen howlgallo dad badan lagu qabqabtay,kuwaas oo la geeyay Saldhiga degmada Kaaraan ee gobolkan Banaadir si baaritaano loogu sameeyo.

Majirto cid sheegatay mas’uuliyada dilka xalay Xaafada Arjantiin loogu geystay mid ka mid ah Dhalinyarada ku nool Xaafadaas,hayeeshee inta badan dilalka noocaas oo kale ah ayaa waxaa mas’uuliyadooda sheegta Ururka Al-Shabaab.