Dilal loo Gaystay Labo Nin oo Walalo ah oo ka Degaan Hoosta Dhusamareeb

Warar kaladuwan ayaa kasoo baxaya Dil Xalay ka dhacay Degaan Hoostaga magaalada Dhuusamareeb Dilkaan ayaa loo gaystay Labo wiil oo walaalo Ismarkaana kamid ahaa dad degaanka

Dilka Dhalinyaradaan ayaa ka dhacay Degaan lagu magacaabo  Ilix oo hoosta Magaalada Dhuusamareeb Caasimada Galmudug.

Lama oga sababta ka danbeysa Dilka wilashaan oo mid ahaa Macalin Dugsi qur,aan Laguna magacaabo Liibaan Xasan Cismaan halka Axmed Xasan Cismaan uu isna ahaa Dhaqtar ka howlgala mid kamida Isbitaalada Degmada Guriceel.

Gudoomiyaha Maamulka Caasimada Galmudug ee dhusamareeb ayaa kahadlay arintaani waxaana uu sheegay in laamaha amnigu ay kujiraan Baaritaanka Dadkii ka danbeeyay Dilka Dhalinyaradaan.

Gudoomiyaha Caasimada Dhusamareeb Macalin Cabdirixman Geeda-Qorow waxaa waxaa uu sheegay in cadaalada la Horgeyn doono Markii Gacanta Lagu soo dhigo danbiilayaashii Falkaasi Gaystay.

Arintaan ayaa loo badaniyaa inay xariir la leedahay Dirir Kasii Horaysay oo Halkaasi ku dhexmartay Dad walaalo ah Oo Degaanka wadaga