Dilka dhacay Muqdisho

Faah afahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya rag hubeysan oo saakay xaafada ka mid ah degmada Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir ku diley nin Oday ah oo Caanka ahaa degmadaasi Yaaqshiid.

Ninka Odayga ah ayaa xilliga la dilayey waxa uu ku sugnaa meel aan ka fogeyn Hotelkii hore ee Lafweyn eek u yaalla xaafada Fagax,waxaana la sheegay in ay goobta ka baxsadeen dadkii ka dambeeyey dilka ninkaasi.

Qof ka mid ah dadka xaafada Fagax ayaa warbaahinta  u sheegay in Ninka la dilay oo lagu Magacaabi jirey Xuseen Hilawle,uu ka mid ahaa Odayaasha ku nool xaafada.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa goobta gaarey kuwaas oo baaritaano ka wada Goobtii uu dilka ka dhacay.