Dilka Ka Dhacay Magalada Muqdisho

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Suuqa Siinaay ee magaalada Muqdisho, Rag hubeysan ayaa barkhanimadii maanta waxa ay gudaha suuqaasi ku dileen nin Dawaarle ama xarqaanle ahaa.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay laba dhalinyaro ah oo Bastoolado ku hubeysnaa in marka hore ay tageen dukaan yar oo marxuumka la dilay uu ku lahaa gudaha suuqa iyaga oo iska dhigayay dad wax iibsanaya kadibna waxa ay qeybta sare ee jirkiisa kala dhaceen rasaas.

Daqiiqado kadib ayaa ninkii waxaa dhaawac ahaan loogu qaaday isbitaalka, balse inta aanu la gaarsiin ayuu ku geeriyooday wadada, raggii dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta, maadaama dantii ay lahaayeen gaareen.

Warar madax banaan oo Idaacadda Risaala ay heshay ayaa sheegaya sababta loo beegsaday ninkan in ay tahay wiil uu dhalay oo ka tirsan saraakiisha ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya.

“Walaal waxaan kuu xaqiijinaa in barkhanimadii maanta gudaha Suuqa Siinaay lagu dilay nin ka tirsanaa dadka deegaanka oo xarqaanle ahaa, dhalinyaro hubeysan ayaa dishay, ma naqaano sababta loo dilay, laakiin waxaa la sheegay in wiilkisa uu yahay sarkaal ciidan.” Ayay tiri gabar ka tirsan dadka deegaanka oo Risaala u waranay.

Laamaha ammaanka dowladda federaalka ayaa sidii caadada aheyd tagay goobta mnarkii ay baxsadeen raggii dilka geystay, waxayna halkaasi ka bilaabeen baaritaanada la xiriira dilkan dhacay iyo sidii looga daba tagi lahaa dableyda.

Shalay oo ugu dambeysay waxaa koox hubeysan ay isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho ku dileen askari ka tirsanaa ciidanka booliska Soomaaliya, kaasi oo dilka kadib laga qaatay qorigii uu watay.