Diyaar Garowe Shirka dib uheshiisiinta Oo laga Dareemayo Dhuusamreeb

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in Maanta oo Khamiis ah in uu Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ka furo Shirka dib u heshiisiinta beelaha dega deegaannada Galmudug,kaas oo shalay lagu waday,hayeeshee uu dib u dhacay.

Magalada Dhuusamareeb waxaa haatan ku sugan dhamaan Ergada ka qeyb-galeysa Shirka,iyada oo ergadii ugu dambeysay oo ka timid deegaanka xeraale ay halkaasi gaareen,waxana jirtay in shirkaasi tira Saddex  jeer ah uu dib u dhacay.

Mudo ka badan Bil iyo Bar ayaa Guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug ay ku mashquul sanaayeen isku keenida Ergada ka qeyb-galeysa Shirka dib u heshiisiinta,waxaana xusid mudan in Matalayaasha Beesha degta Magalada Cadaado ay shirkaasi diideen, iyada oo ay xusid mudan tahay in Xubno matalaya laga qaaday Magalada Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia Cabdi Maxamed Sabriye ayaa horay u sheegay in Shirkaasi looga hadli doono ,sidii loo dhisi lahaa Galmudug loo dhan yahay,doorka ay dowladda Federaalka ku yeelaneyso dhismahaas iyo qodobo kale.

Ammaanka Magalada Dhuusamareb ayaa aad loo adkeeyay,waxaana Magaaladaas ku sugan Ciidamada Dowladda oo isugu jira, Millateri, Boolis iyo Nabadsugid, sidoo kale waxaa ku sugan Ciidamo ka tirsan AMISOM oo ka kala socda dalalka Jabuuti iyo Itoobiya.