Diyaar Garowga Doorashada Puntland Oo laga Dareemayo Garowe

Magalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa waxaa haatan laga dareemayaa qaban qaabadii u dambeysay ee doorashada Madaxweynaha cusub ee Puntland oo maalin qora ay naga xigto xilliga loo balansan yahay oo ah 8-da Bishaan.

Shalay ayaa waxaa Guddiga Doorashada ay shaaciyeen shuruudaha Musharixiinta iyo Jadwalka Doorashada Madaxweynaha Puntland,iyadoona isla shalay la bilaabay qabashada dukumintiga Codsiyada Musharixiin,waxaana ay ku egtay Maanta oo ay taariikhdu tahay 6-da bishan January ee 2019.

Ammaanka Magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay,waxaana Ciidamo dheeraad ah la dhigay Wadooyinka waa weyn ee Garoowe,iyadoona aad looga dameerayo Ololaha Doorashada Madaxweynaha cusub ee dowlad Goboleedka Puntland Magaaladaasi.

Sidoo kale ku dhawaad 10 Musharax oo u tartamayay Doorashada Puntland ayaa xalay Garoowe kaga dhawaaqay inay ka tanaasuleen Doorashada,isla markaana u tanaasulay 3 saddex Musharax oo kala ah Siciid Cabdullaahi Deni,Cabdisamad Maxamed Galan ,Dr Daahir Mire Jibriil.

Doorashada Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa waxaa loo qorsheeyay in ay dhacdo 8-da bishan oo ku beegan maalinta Talaadada ah,waxaana u taagan qabasha xilkaasi Musharixiin badan oo uu kamid ah Madaxweynaha xilheyntiisa sii dhamaaneysa ee Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.