Diyaarad laga leeyahay Mareykanka oo ku dhacaday Sohdinta Soomaaliya iyo Kenya

Wararka ka imaya Sohdinta u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in Diyaarad wadda Ciidamo Mareykan ah ay ku degtay degaan u dhaxeeya labada dal.

Diyaaraddan waxaa la xaqiijinayaa in uu leeyahay aas aasaha Sharikadda Black Water,Erik Prince,waxaana diyaaradda la socdo Ciidamo Mareykan ah.

Sawir laga qaaday Dusha sare ayaa muujinaya Diyaaradda oo taalla goob carro cas ah sidoo kalena uu ku dhow yahay Gaari Nooca duurka mari kara ah.

Margot Kiser oo Sawirkan soo gelisay Twitter-ka ayaa sheegtay in ay u badan tahay diyaaradda ay leedahay Sharikadda Black Water in ay Hub u wadday Al-shabaab inkasta oo aan caddeynteed la heyn.

Sharikadda Black Water waa sharikad dhinaca Amaanka ah oo dowladaha iyo Ururrada ka taageerta Tababarrada,Qalabeynta Ciidamada iyo howglallada qarsoodiga ah.

Inta badan dadkii ka aragti dhiibtay sawirkan ayaa sheegay in diyaaraddan ay suuragal tahay in ay hub u waddo AL-shabaab,halka kuwo kale ay ku doodayeen in Mareykanka uusan saldhig ku lahayn Kenya,sababta diyaaraddan halkan ugu degtayna ay muujineyso shaki cusub.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga sababta Diyaaraddaas ay ugu degtay degaanka u dhaxeeya labada dal iyada oo ay saaranyihiin Ciidamo Mareykanka ah oo hoostada Sharikadda Black Water.