Diyaarad sida Maxaabiis oo kasoo degaysa magalada Muqdisho

Qaban qaabo ku aadan soo dhaweynta maxaabiis Soomaaliyeed  oo dhawaan Dowladda Hindiya ay ku wareejisay dowladda Soomaaliya ayaa hadda ka socota Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Maxaabiistaan ayaa qaarkood muddo waxa ay ku xirnaayeen dalka hindiya sanado badan, iyadoona loo heystay dambiyo kala duwan sidda in ay burcad yihiin.

In kabadan77 maxaabiis ah ayaa lafilayaa in Saacaddaha soo socda la soo gaarsiyo magaalada Muqdisho.

Wasiiro , Xildhibaan iyo Madax kale oo dowladda ka tirsan ayaa ka qeyb qaadan doona soo dhaweynta Maxaabiistaasi.

Soo deynta Maxaabiistaan ayaa timid ka dib markii dhawaan ay heshiisyo dhanka Maxaabiista ay wada gaareen dowladaha Hindiya iyo Soomaaliya.

Dalka Hindiya ayaa ka mid ah Meelaha ugu badan oo ay dhibaatadu ku heysato dhalinyaradda Soomaaliyeed ee lagu eedeeyay in ay yihiin burcad.