Diyaarad Sida Maxaabiis Soomaali Ah Oo Goordhow Soo Gaartay Muqdisho

Waxaa Goor dhow garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degtay  diyaarad sidday maxaabiis Soomaaliyeed, kuwaasi oo muddo badan ku xirnaa dalka India.

Maxaabiistaan ayaa qaarkood muddo waxa ay ku xirnaayeen dalka hindiya sanado badan, iyadoona loo heystay dambiyo kala duwan sidda in ay burcad yihiin.

Soo dhaweynta Maxaabiistaan oo ka badan 70 ayaa waxaa ka qeyb qaatay Wasiiro iyo sidoo kale xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa horey heshiis maxaabiis lasoo wareegis ah la saxiixatay dowladda India.

Maxaabiistan maanta la keenay ayaa dhibaato xooggan ku qabay xabsiyada ay ku jiraan, iyadoo qaarkood ay xirnaayeen ku dhawaad 8 sano.

Waa qaybtii Labaad oo maxaabiis ku xiran India ah oo dalka dib loogu soo celiyo Sanad gudahiisa.