Diyaarad wadday 66 qof oo ku dhacday Iraan

Wararka ka imaya Dalka Iraan waxaa ay sheegayaan in diyaarad Rakaab ah oo sidday 66 Qof ay ku dhacday bartamaha dalka Iraan.

Diyaaradda ayaa saaka oo Axad ah ka duushay magaalada Tehran ee Xarunta Dalka Iraan kuna sii jeedday Magaalada Yasuj.

Saraakiisha dhinaca duullimaadka Dalka Iraan ayaa sheegay in diyaaradda saacado kaddib markii ay hawada gashay laga waayay Raadaarka iyada oo Magaalada ay u socotay u jirtay 185km.

Diyaaradda ayaa ku dhacday Magaalada Semirom ee Gobolka Isfahan ee dalkaasi Iraan,Hay’adda maareynta Musiibooyinka Iraan ayaa sheegtay in ay ku howllantahay gurmadka arrintan,iyada oo aan xaqiijin dhimasho iyo dhaawac waxa ka dhashay shilkaas diyaaradeed.