Diyaarad xamuul ah oo ku dhacdey Jowhar.

Faah-faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay shil diyaaradeed oo goordhoweyd ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ee caasimada maamulka HirShabelle

Wararka ayaa sheegaya in garoonka ay ku dhacday diyaarad nuuca xamuulka qaada, una rarnayd ciidanka ATMIS ee ka howlgalka magaaladaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in shilka diyaaradda uu yimid kadib markii ay ka baxday dhabaha ay ku ordaan diyaaradaha.

Sidoo kale waxaa lasoo wariyay in dyaaradda uu dab qabsaday, inkasta oo markii dambe lagu guulaystay in la damiyo dabka.

HirShabelle oo faahfaahin ka bixisay shilkan ayaa sheegtay inay diyaaradda ku timid cilad, kadibna ay ku dhacday garoonka, sidoo kaleena diyaaradda ay wadday saanad ciidan, taas oo kasoo duushay dalka Uganda, sida uu Shabelle TV u sheegay mareeyaha garoonka.