Shirkadda Diyaaradaha ee Kenya Airways ayaa ku dhawaaqday in ay joojin doonto dhammaan duulimaadyada rakaabka ahaa ee ka bixi jiray magaalada Nairobi, isla markaasna imaan jiray magaakada Muqdisho, laga bilaabo Oktoobar 14, 2024.
War-saxaafadeed Kenya Airways ay soo saartay ayay ku sheegtay “Go’aanka ay gaareen ka dib markii ay falan qeyn ku sameeyeen danaha shirkadda iyadoo la eegayo duruufaha ganacsi ee hadda jira.”
Diyaarado badan oo Soomaali ah ayaa la sheegayaa in ay u kala duulaan magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho, kuwaasi oo qiimo ahaan jaban, taasi oo hoos u dhigtay suuq ee Kenya Airways.
Sidoo kale, Diyaarad kale oo caalami ah sida EgyptAir ayaa duulimaad ka billaawday Muqdisho bishii Luulyo 2024, iyada oo sameysay horumar weyn oo ku saabsan suuqa, soona jiidatay tiro rakaab ah.
Intaa waxaa dheer, diyaaradaha caalamiga ah sida Turkish Airlines, Qatar Airways, iyo Ethiopian Airlines ay sidoo kale duulimaadyo ka sameeyaan Soomaaliya.