Diyaarada Uganda Airline Oo Muqdisho Kabilawday duulimaadyo toos ah

Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho waxaa haatan ka socota Xaflad lagu daah furayo duulimaad toos ah oo diyaaradda Uganda Airlines ay ka bilaabeyso Magaalada Muqdisho tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii dalka.

Munaasabadda ayaa waxaa ku sugan Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka,mas’uuliyiinta Shirkadda Uganda Airlines,qaar ka mid ah safiirada dalalka Caalamka u fadhiya Soomaaliya & mas’uliyin kale, iyada oo Diyaarada Uganda Airlines Maanta kasoo degatay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Munaasabadda ayaa waxaa lagu shaacin doonaa in hadda wixii ka dambeeyay ay diyaaradda Uganda Airlines duulimaad toos ah ka bilaabeyso Magalada Caasimadda Soomaaliya ah ee Muqdisho, iyada oo ay jireen Shirkado dhowr ah oo horay duulimaad toos ah u bilaabay.